Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 days ago
in Wararka
0
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah la yeelatay dhallinyarada qurbo-joogta Soomaaliyeed, waxaa kulllanka qabsoomidiisa qeyb wayn ka qaadatay Hay’adda Restore Somalia Foundation. Kulankan waxa isugu yimid dhallinyaro qurbo-joog ah, Madaxa wada-xaajoodyada cimilada ee Wasaaradda, iyo La-taliyaha Sare Mudane Cabdiqani Barow.

Mudane Cabdiqani Barow ayaa si firfircoon ula falgalay ka-qaybgalayaasha, isaga oo la wadaagay mudnaanta cimilada ee Soomaaliya iyo aragtida Wasaaradda ee wada-xaajoodyada caalamiga ah.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Dooddu waxay diiradda saartay arrimaha Qaran oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin saameynta deegaanka ee dhuxul-soo-saarka, dib-u-habaynta socda ee la xiriirta isbeddelka cimilada iyo muhiimadda ka-qaybgal cimiladeed oo loo dhan yahay, kana dhasha hoggaaminta dhallinyarada.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay hindise ballaaran oo ku saabsan qurbo-joogta, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya – Waaxda Arrimaha Qurbo-joogta, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta ka-qaybgalka qurbo-joogta ee horumarinta Qaranka, si waafaqsan siyaasadaha iyo mudnaanta dalka.

Iyadoo laga duulayo waayo-aragnimadii Soomaaliya ee COP30, wadahadalkani waxa uu muujinayaa isbeddel cusub oo ku wajahan ka faa’iidaysiga khibradda Soomaaliyeed ee caalamka ku baahsan, si loo horumariyo mudnaanta Qaranka, iyadoo qurbo-joogta loo aqoonsanayo tiir muhiim u ah qaab-dhismeedka maamul-cimiladeed ee Soomaaliya.

 

 

Previous Post

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

Next Post

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Next Post
Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In