Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaarta, taas oo muujisay in abaartu si degdeg ah uga sii dartay kadib markii Lawaayay roobabkii Deyrta 2025 iyo xilliyaal roob-yari ah oo isdaba joog ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 4.7 milyan qof ay abaartu saameysay, halka 1.73 milyan qof oo ku nool 11 Gobal iyo deegaanadda Hoos yimaada kuwaas oo kala ah Gobalada Gedo ,Hiiraan, Bay, Bakool,Galgadud, Mudug, Sool, Sanaag, Togdheer, Awdal iyo Jubbada Hoose ay ku sugan yihiin xaalad halis ah oo gaaraya heerka Degdeg ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in xaaladdu ay gaarto heerkeeda ugu sarreeya inta u dhaxaysa Diseembar 2025 ilaa Maarso 2026, sababo la xiriiran filashada Jilaal kulul iyo xaalad qalalan kuwasoo sababay hoos u dhac ku yimid heerarka wabiyada, wax-soo-saarka beeraha oo liita, iyo daaqa xoolaha oo sii xumaanaya.

Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin degdeg ah, maadaama haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban, la filayo in 7.1 milyan qof ay u baahdaan gargaar cunto iyo nolol-maalmeed inta u dhaxaysa Febraayo ilaa Abriil 2026.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa faray hay’adaha ay khuseyso in la dardargeliyo isku-duwidda jawaabta qaranka, lana xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Previous Post

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Next Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Next Post
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In