Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 days ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen shan (5) dhagarqabe, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaankaasi.

 

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gebi ahaanba burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha arxan-laawayaasha ah, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal amni-darro.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Next Post

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Next Post
Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In