Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 days ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska ee door muhiim ah ka qaatay xasilinta amniga deegaannada maamulkaas.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka, saraakiil ciidan, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha billado sharaf, shahaadooyin iyo abaalmarinno kale oo lagu muujinayo mahadnaq iyo bogaadin.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Masuuliyiintii hadalka ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in saraakiishan ay muujiyeen geesinimo iyo xirfad sare intii ay ku guda jireen howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta iyo sugidda nabadgelyada guud ee bulshada. Waxaa sidoo kale lagu ammaanay doorkooda ku aaddan ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka.

Tallaabadan dhiirrigelinta ah ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda maamulka Koonfur Galbeed ee lagu abaalmarinayo ciidamada amniga si ay u laba-jibbaaraan dadaalkooda, loogana adkaado kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah amniga dalka.

Maamulka ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo dhiirrigelinta ciidamada si loo xaqiijiyo deganaansho iyo horumar waara.

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In