Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysay ayaa Radiomuqdisho u sheegay in Ciidanku ay heleen dhowr god oo khawaarijtu ay ku Keydsatay caagag dhowr boqol gaarayey kuwaas oo ay ku jireen biyo ay ugu talagaleen horjoogayaashii iyo maleesgiyaad u joogay aagga Jilib marka.
Dhawaan ayey ahayd markii howlgal aad loo qorsheeyey khawaarijta looga xoreeyey deegaanka Jilib marko ee Gobolka Shabeellada Hoose.










