Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo Xareynta Dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegga Baasaboorka.

Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd xoojinta fahamka natiijooyinka qiimeynta, iftiiminta meelaha u baahan horumarinta, iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha Dowladda, si loo hubiyo in dakhliga Dowladda loo maareeyo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada dakhliga.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxaana goob-joog ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil Maxamed.

Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Feisal Mohamed Hashi, ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku iftiimiyay muhiimadda ilaalinta dakhliga Dowladda, isla markaana Xafiiska Hantidhowrka Guud uga mahadceliyay doorka uu ka qaato hubinta iyo dabagalka dakhliga. Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan looga hadlay natiijooyinka qiimeynta, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in dakhliga Dowladda lagu qabto laguna shubo Khasnadda Mideysan ee Dowladda (TSA), si loo waafajiyo shuruucda iyo habraacyada maareynta maaliyadda dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay khataraha ka dhalan kara ku qabashada dakhli meel ka baxsan nidaamka rasmiga ah, waxaana lala wadaagay saraakiisha talo-soojeedinno lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegyada Dowladda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta iyo saraakiisha ka soo qeybgalay kulanka, isagoo adkeynaya muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada ilaalinta hantida Qaranka iyo horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka.

Previous Post

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

Next Post
Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii .....

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In