Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kaas oo lagu soo bandhigay laguna falanqeeyay heerka u diyaar garowga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Uganda, kuwaas oo la qorsheeyay inay qabsoomaan 15-ka Janaayo 2026.
Guddoomiye Cusmaan Shaatax ayaa sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Hay’adda Dowlad Goboleedyada ee Horumarinta (IGAD) ee loo xil saaray kormeerka iyo korjoogteynta hannaanka doorashooyinka Uganda, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka geeddi-socodka doorashada.
Sidoo kale, wuxuu xusay in howlaha kormeerka iyo xaqiijinta doorashooyinka ay ka qayb qaadanayaan wakiillo ka socda Midowga Afrika (African Union) iyo Ururka Suuqa Wadajirka Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), si loo hubiyo in doorashooyinkaasi u dhacaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.
Ka qaybgalka Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee bulshada rayidka ah ee ku aaddan taageeridda dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo iskaashiga dalalka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.











