Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, kaas oo lagu soo bandhigay laguna falanqeeyay heerka u diyaar garowga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Uganda, kuwaas oo la qorsheeyay inay qabsoomaan 15-ka Janaayo 2026.

Guddoomiye Cusmaan Shaatax ayaa sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Hay’adda Dowlad Goboleedyada ee Horumarinta (IGAD) ee loo xil saaray kormeerka iyo korjoogteynta hannaanka doorashooyinka Uganda, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka geeddi-socodka doorashada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale, wuxuu xusay in howlaha kormeerka iyo xaqiijinta doorashooyinka ay ka qayb qaadanayaan wakiillo ka socda Midowga Afrika (African Union) iyo Ururka Suuqa Wadajirka Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), si loo hubiyo in doorashooyinkaasi u dhacaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee bulshada rayidka ah ee ku aaddan taageeridda dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo iskaashiga dalalka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Next Post

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Next Post
Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In