Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19 Janaayo 2026, kaas oo meesha ka saaray go’aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).
Wasaaraddu waxay hambalyeynaysaa sagaalka Xildhibaan ee EALA ee uu doortay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan arrimaha ganacsiga, isu-socodka, horumarka, iyo xasilloonida.









