Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore u meel marisay qaraarro caddeynaya baratakoollada iyo habraacyada lagu sugayo amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo guud ahaan amniga caasimadda taas oo suurta gelisay amniga iyo nabadda lagu naaloonayo.
Waxaan ka xunnahay in aan ummadda Soomaaliyeed la wadaagno, in xubno ka mid ah Madasha Mustaqbalka oo ka geybgali lahaa shirkii wada hadallada ee Dowladdu ku baaqday in uu caasimadda ku qabsoomo 1-da Febraayo 2026, ay saaka isku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedada ay ka leeyihiin, taas oo xadgudub ku ah qaraarrada aan kor ku soo xusnay, kuwaas oo ay ku dhaqmaan dhammaan madaxa sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maalmul goboleedyadda iyo madaxii hore ee dalka.
Hay’adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada shirka waxay ku wargaliyeen xubnaha guddiga ku matalayey golaha mustaqbalka, in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan la soo marin hanaankii iyo habraacyadii lagu dhaqmaayay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale caddeyneysaa in nartiqaadkeedii gogosha wadahadalka aysan waxba iska baddalin, iyadoo ku boorrineysa xubnaha Madasha Mustaqbalka in ay ilaaliyaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo abuuro in shirku ku gabsoomo jawi xasiloon oo nabad ah.

–










