Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa guddoomiyay kulanka degdegga ah ee Guddiga Gurmadka Qaranka, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta ka jirta dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jamac Gani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Aamin Sheekh, mas’uuliyiin heer federaal ah, madax kale oo dowladeed, culimo, iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood muujiyay doorkooda ku aaddan gurmadka iyo taageerada dadka ay saameysay abaartu.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyay ee xaaladda abaarta dalka, kuwaas oo muujinaya in abaartu gaartay heer aad u liita, isla markaana saameyn ba’an ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, nolosha dadka iyo xoolaha.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa adkeeyay baahida loo qabo dardargelinta gurmadka qaranka, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada, iyo ganacsatada, si si degdeg ah oo wadajir ah wax looga qabto saameynta abaarta loona badbaadiyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in la gaaray waqti adag oo nolosha dadka iyo xoolaha halis ku jirto, isagoo ku baaqay in qof walba ka qeyb qaato gurmadka degdegga ah, gaar ahaan ururinta taageero dhaqaale iyo naf-badbaadin.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka ahna Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ku celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aankeeda ah in mudnaan gaar ah siiso gurmadka abaarta, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada qaran iyo kuwa caalami ah ee lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Next Post

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

Next Post
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa'uud

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In