Saturday, November 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
9 months ago
in Wararka
0
Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran diini ah iyo talooyin la xiriira midnimada, nabadgelyada, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo maamulka.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan degmada, odayaal dhaqan, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa culimadu ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, ka fogaanshaha fitnada, iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa si gaar ah u xusay doorka ay culimada ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo horumarka. Dhankooda, maamulka Degmada Balcad ayaa soo dhaweeyay hadallada culimada, iyagoo ballanqaaday in ay la shaqeyn doonaan culimada iyo bulshada si loo xoojiyo nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, culimada ayaa bulshada ku boorriyay in ay xoojiyaan walaaltinimada, iska ilaaliyaan hadallada iyo falalka hurin kara khilaafaadka, isla markaana ay garab istaagaan maamulka si loo gaaro horumar waara iyo nolol nabdoon. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in nabadgelyadu tahay masโ€™uuliyad wadareed, ayna muhiim tahay in qof walba doorkiisa ka qaato ilaalinta xasilloonida iyo midnimada bulshada Degmada Balcad.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo Hayโ€™adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In