Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban hawlwadeennada Wasaaradda, Mas’uuliyiinta mashaariicda, khubaro iyo la-taliyeyaal farsamo, Galmudug. Masuuliyiinta soo dhaweynta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Wasiirka ayaa dhagax-dhigi doona dhismaha waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Cadaado. Mashruucan oo ay maamusho hay’adda RIPS, kana hoos shaqeysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.

Wasaaradda Hawlaha Guud, oo masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda qaran ee dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ayaa sii xoojin doonta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dalka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Previous Post

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda PAH

August 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH),...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In