Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.
Ugu horreyn shirka ayaa looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Galmudug.
Intaas kaddib, shirka Golaha Wasiirrada ayaa aad looga hadlay xaaladda abaaraha ee deegaannada Galmudug, abaabulka socda, iyadoo warbixin dhammeystiran laga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.











