Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Axmed Cabdalla Maxamed, oo caawa ku geeriyooday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Danjire Axmed wuxuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo si sharaf iyo hufnaan leh ugu adeegay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo xilal diblomaasiyadeed ka soo qabtay dalalka Tunisia, Aljeeriya, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan muddadii uu ka howlgalayay magaalada Riyadh.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

March 1, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

March 1, 2026

Intii uu ku jiray waayihiisa shaqo, wuxuu door muuqda ka qaatay xoojinta joogitaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta xiriirrada laba geesoodka ah ee dalkeenna la leeyahay waddamadaas.

Waxaa si weyn loogu xusuusan doonaa daacadnimadiisa, xikmaddiisa, iyo u heellanaantiisa adeegga dadweynaha.
Ka hor intii uusan ku biirin mihnadda diblomaasiyadda, wuxuu ahaa bare soo saaray jiilal badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu ahaa suxufi xirfaddiisa ka bilaabay Qeybta Afka Carabiga ee Radio Muqdisho. Noloshiisa waxay astaan u ahayd u adeegidda aqoonta, qarannimada, iyo bulshada.

Geeridiisu waxay reebtay raad muuqda oo ka mid noqon doona taariikhda diblomaasiyadda Soomaaliyeed. Wuxuu ka tegay qoys ku suntan adeegga qaranka, oo uu ka mid yahay wiilkiisa Towfiiq Axmed Cabdalla, oo ka tirsanaa shaqaalaha qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgalay Masar.

Geeridiisa waxaa si qoto dheer uga tiiraanyoonaya bahda diblomaasiyadda, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba, iyo dhammaan intii la soo shaqeysay ama garanaysay.

Wasaaraddu waxay mar kale tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku xilligan adag.
Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdawsana haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo dhammaan intii ka tiiraanyeysan geeridiisa.

Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal cusub ka daah furay gobolka Shabeellaha Hoose

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray hawlgal cusub oo loogu magac daray “Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda deegaanno...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca Safaaradda Talyaaniga ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada, iyo...

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ayaa beenisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo la xiriira hakad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In