Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah tallaabo taariikhi ah oo lagu soo gabagabeeyay dastuurkii KMG ahaa.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ansixinta dastuurkan ay saldhig u tahay heshiis bulsho oo qeexaya awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda federaalka, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026

“Ansixinta dastuurkan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne. Tani waxay sidoo kale saldhig u tahay shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaanka bulshada, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta qodobada dastuurka, si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Next Post

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Next Post
Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya...

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026
0

Go’aanka Madaxweynaha dalka Turkiye mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ah si loo kordhiyo howlgalkii Ciidamada Difaaca Turkiga ee Soomaaliya muddo...

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In