Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(NAIROBI-KENYA):-Inta la xaqiijiyay 29 ruux ayaa ku geeriyooday daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi iyo gobolada ku hareeraysan.

Khasaaraha dhimashada ayaa waxaa dheer burbur xooggan oo soo gaadhay gaadiid fara badan oo ay daadadku la tageen, iyo burbur baaxad weyn oo soo gaadhay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada sida suuqa Islii oo ka mid ah, ilaha ganacsi ee ugu waaweyn magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Related posts

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026

Sidoo kale tiro ku dhow soddomeeyo kale, ayaa laga soo badbaadiyay daadadka xooggan ee roobku ka dhashay, xilli ay halis weyn ku galeen, xaaladdoodana lagula tacaalayo goobo caafimaad.

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa ka hadlay musiibadan, isaga oo ugu horraynba ka tacsiyadeeyay. Sidoo kalena kooxaha gurmadka ee dalkani amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabaan.

Dowladda dalkani Kenya ayaa soo saartay digniino kale oo ku saabsan, in laga guuro dhulalka jooggoodu hooseeyo, si looga baaqsado khataraha ka dhalan kara daadadka, maadaama xilli roobaadku sii socdo weli.

Kooxaha gurmadka iyo gaargaarka degdegga ah ee dalkani Kenya, ayaa guud ahaan heegan ku jira, si ay shacabka u badbaadiyaan.

Previous Post

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

Wasiirka Khayraadka Biyaha Galmudug oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda ICRC 

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

July 15, 2026
0

Somali National University (SNU) has officially launched the Somali National Artificial Intelligence Centre (SNAIC), a Centre of Excellence established to...

Somali National University Launches the Somali National Artificial Intelligence Centre

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

July 15, 2026
0

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

Defence Minister Fiqi Meets Jordan Army Chief

July 15, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Republic of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, who is on an official visit...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In