Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaasoo ujeedadiisu ahayd dardargelinta dadaallada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka, gaar ahaan dadka xoola-dhaqatada, iyo xoojinta arrimaha farsamo ee la xiriira horumarinta wax-soosaarka kheyraadka xoolaha.

Madaxa WFP, oo ah masuul sare oo hadda loo magacaabay hogaaminta barnaamijyada WFP ee Soomaaliya, ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa WFP iyo Wasaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Labada dhinac ayaa si qoto-dheer uga wada hadlay xaaladda cunno-yari ee dalka ka jirta iyo sidii loo laba-laabi lahaa faragelinta hadda la awoodo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray marxaladaha adag ee ku saabsan gar-gaaridda iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, WFP iyo Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay in si dhow loo iska kaashado xoojinta arrimaha farsamo, si loo abuuro fursado dheeri ah oo maalgelin loogu sameeyo horumarinta wax-soosaarka xoolaha.

Previous Post

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya,...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In