Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeybgashay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Munasabadaan waxaa soo qabanqabiyay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo taageero ka helaya Hay’adda QM u qaabilsan shaqada ee ILO. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 1000 qof oo matalayay shaqaala-weynaha Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026

Sidoo kale munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed Axmed Cusmaan Saciid, Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan, masuuliyiin ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), iyo marti sharaf kale.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la xoojiyo ilaalinta xuquuqdooda, xorriyaddooda iyo sharaftooda shaqo. Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in maalintan ay leedahay qiimo gaar ah, maadaama ay tahay maalin ay dunidu si wadajir ah ugu dabaaldego xuquuqda shaqaalaha.

Previous Post

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, isagoo carrabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In