Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Safiirka Qatar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Safiirka Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan gaar ah la yeelatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo horumarinta hay’adaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Qatar, gaar ahaan dhinacyada is-dhaafsiga khibradaha farsamo, dhisidda awoodaha, maamulka hay’adaha xuquuqul insaanka, warbixinnada xuquuqda aadanaha, kormeerka goobaha lagu hayo maxaabiista iyo horumarinta xirfadaha shaqo.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Dr. Maryam Qaasim ayaa uga mahadcelisay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya oo ay ku jirto kaalinteedii wax-ku-oolka ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo taageeradii qaraarka Golaha ee tirsigiisu yahay A/HRC/60/L.14.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leeyihiin iskaashi, iyo wadashaqeynta xooggan oo ka dhexeysa hay’adaha qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Qatar, si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo loo marayo heerarka caalamiga ah iyo Mabaadi’da Paris.

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta Wasaaradda Amniga ee Burkina Faso

Next Post

Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Next Post
Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In