Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay meteleyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday Heshiis lagu Hirgelinayo Qaraarkii Golaha Xuquuqul Insaanka QM Lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28 kaasoo suntanaa lasoo wareegidii Maareynta Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, qaraarkaas oo tilmaamayey iskaashiga iyo taageerrada farsamo ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay u hormariso Xuquuqul Insaanka islamarkaana u maareeyso waajibaadkeeda Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo midka caalamiga ah.

Tani ay waxa ay ka dhigan tahay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya markale fagaarayaasha Caalamka kasoo hoysay guul muhiim ah ayadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horeysay taariikhda ay QM Soomaaliya ka furato xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM(OHCHR) kaasi oo dhowaan laga furi doono magaalada Muqdisho , tani oo noqoneysa in markii ugu horeysay taariikhda QM ay u fuliso heshiis noociisa ah mudo taasi oo ku timid dadaalka iyo ka go’naashaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayadoo dhanka QM uu u saxiixay Volker Türk Madaxa Xafiiska Sare QM ee Xuquuqul Insaanka, waxaana heshiiskan uu yahay mid Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh maadaama dalkeenu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah.

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed A-Makhzoumi ayadoo wafdigaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar, la taliyeyaal iyo quburrada Wasaaradda , waxaana guushani ay qeyb ka tahay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii lasoo dhaafay hormarinta Xuquuqul Insaanka iyo maareyntiisa, ayadoo ka sokoow guushii weyneyd ee Octobar ay Soomaaliya ka gaartay Shirkii Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva iyo dhismihii Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay tanitahay guul kale oo ballaaran.

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Safiirka Qatar

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In