Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run.

Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxeey nasiib u yeesheen Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagusoo doorto Nidaamka Qof iyo Cod kuna dhisan Xisbiyo.

Related posts

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026

Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun goob joog ka noqdaan.

Qormadaan, waxaan ku dul istaagi doonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal digniin iyo hal xusuus iyo xisaab celin ah.

Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee hogaamiye kooxeedyadu lahaayeen awoodda, sidaas awgeed waxeey bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.

Xaqiiqo 2, waxeey furtay albaabka awood siinta Dadwaynaha iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof una guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.

Xaqiiqo 3, waxeey ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.

Fursado.

Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado dahabi ah.

Fursad 1, wuxuu awoodaynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista hogaamiyayaasha, taas oo dhalidoonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u xisaab celisa.

Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.

Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxindoonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.

Iftiimin.

Dhamaystirka Kala Guurka.

Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.

Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.

Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.

Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.

Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.

Hal Dardaaran iyo hal digniin.

Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid taariikhi ah sidaas awgeed waa in aan si midnimo iyo waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtaanaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.

Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.

Alle ayaa mahadsan.

Previous Post

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In