Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ku dilay horjoogihii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan iyo 28 dhagarqabe oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda.

Related posts

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026

Xogta Sirdoon ee ay heshay Hay’adda NISA ayaa muujisay in goob saddex kiilomitir koonfur kaga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud lagu uruuriyay maleeshiyaad tiradoodu gaareysay ku dhawaad 70 xubnood, kuwaas oo loo qeybiyay hub kala duwan isla markaana waday abaabullo lagu qal-qalgelinayay amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Markii la xaqiijiyay xogtaas, Ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay 23 dhagarqabe. Howlgalka labaad oo ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray shan dhagarqabe iyo horjooge Cabdiraxmaan, oo magaciisa af-garashadu ahaa Cabdi Mudallib, kaas oo ahaa horjoogihii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan.

Horjoogahan ayaa si gaar ah ugu lug lahaa abaabulka iyo maleegidda falal argagixiso oo ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi. Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Next Post

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Next Post
Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 28 Luulyo 2026 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

July 28, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe,...

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

July 28, 2026
0

Ceelguula, Mudug – Magaalada Ceelguula ee gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug, iyadoo maamulka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In