RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga furmaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, iyadoo kumannaan arday ay u fariisanayaan imtixaanka oo lagu qiimeynayo heerka aqoontooda kadib markii ay soo dhammaysteen waxbarashadooda dugsiga sare.
Wasaaradda Waxbarashada iyo maamulka gobollada ayaa sameeyay diyaar-garow ballaaran oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka imtixaanka iyo amniga goobaha lagu galayo.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa ardayda ku boorriyay inay muujiyaan dadaalkoodii waxbarasho, iyagoo u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan oo horseeda mustaqbal ifaya.










