RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Imtixaankan oo ah mid muhiim u ah mustaqbalka waxbarashada dalka ayaa waxaa sanadkan u fariistay in ka badan 44,000 oo arday, kuwaas oo ku kala gelaya 58 degmo oo ka tirsan gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashada, isagoo ku boorriyey ardayda inay muujiyaan dadaal, daacadnimo iyo kalsooni si ay u gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, maamulka gobollada, macallimiinta iyo hay’adaha amniga doorka ay ka qaadanayaan hubinta habsami u socodka imtixaanka iyo sugidda ammaanka goobaha lagu galayo.











