Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hoggaamintii hufneyd iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta shaqada Golaha muddadii uu xilka hayey, waxaana uu tilmaamay in Mudane Sheekh Aadan Madoobe uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha.

Dhankiisa, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka Golaha iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey, Isagoo xusay in guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ahna Siihayahaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa uga mahadcelisay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka shaqadii iyo hoggaamintii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, waxayna ku ammaantay dadaalladii uu ku bixiyey horumarinta Golaha Shacabka iyo kor u qaadista doorka Golaha ee geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sidoo kale xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Ugu dambeyn, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Next Post

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Next Post
Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu...

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka mashaariicda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In