Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo ka-tashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda dib u furista Kalfadhiga 8-aad, si Baarlamaanku u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah. Waxaa kulanka lagu adkeeyey doorka muhiimka ah ee Baarlamaanku ku leeyahay horumarinta dowladnimada, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Guddoonka ayaa isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad la shaacin doono maalmaha soo socda, kaddib marka la dhammeystiro diyaar-garowga lagama maarmaanka ah iyo xaqiijinta kooram buuxa oo ay yeeshaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan, daahfuran iyo masuuliyad leh u guto waajibaadkiisa qaran, isla markaana uu dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro kalfadhiga cusub.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghaye Ku-xigeenka Aqalka Sare BJFS.










