Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 hours ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG), kaas oo ay ka qayb galeen shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si loo xoojiyo adkeysiga iyo horumarinta waarta ee kaabayaasha xargaha badda hoosteeda mara ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya laba maalmood ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, kobcinta fahamka wadajirka ah ee caqabadaha horyaalla qaybta xargaha badda hoosteeda mara, iyo soo jeedinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo isku halaynta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026

Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu waxaa diiradda lagu saarayaa maaraynta ciladaha ku dhaca xargaha, tartanka suuqa, horumarinta kaabayaasha, iyo hirgelinta qaab-dhismeedka sharciyeed ee lagu nidaaminayo xargaha badda hoosteeda mara ee dalka.

Aqoon-isweydaarsiga waxa sidoo kale lagu falanqeynayaa natiijooyinka warbixin dhowaan la diyaariyey oo ku saabsan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, taas oo fursad u siinaysa daneeyayaasha inay xaqiijiyaan xogaha muhiimka ah isla markaana ay ka doodaan mudnaanta horumarinta mustaqbalka ee qaybta isgaarsiinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka aqoon-isweydaarsiga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo kordhiyo adkeysiga kaabayaasha dhijitaalka ah.

“Xargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka dhijitaalka ah ee dalkeenna, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobaca dhaqaalaha, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo fududeynta helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

Kooxdan farsamo waxay xoojinaysaa iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda si loo dhiso kaabayaal isgaarsiineed oo adkeysi leh, laguna kalsoonaan karo.”

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In