RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal amni xaqiijin ah oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay, deegaanno iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gor Gor, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Ururka 195-aad, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, oo ay wehlinayeen saraakiil kale.
Hawlgalka ayaa kusoo dhammaaday mid guul ah, iyadoo ay saraakiishii hawlgalkaasi hoggaaminaysayna ay wacad ku mareen, inay sii xoojin doonaan hawlgallada ka dhanka kooxaha Khawaarijta, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan nabadgalyo buuxda.












