Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo gabagabeeyay safarkiisii shaqo ee Dhuusamareeb

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo gabagabeeyay safarkiisii shaqo ee Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay wada-hadalladii uu la yeeshay hoggaanka Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye , kuwaas oo Xukuumadda DanQaran ay xoogga ku saartay sidii deegaannada Galmudug uga dhici lahayd doorasho nabdoon, si looga fogaado wax kasta oo dib-u-dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi ku bogaadiyay go’aannadii uu shaaciyay ee ku saabsanaa qabsoomidda doorashada qof iyo cod, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in doorashadaas uu qabto, kadibna si xilkasnimo iyo nabadgelyo leh ugu wareejiyo xilka cidda ku guuleysata.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Mudane Xamsa ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo si weyn u muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado dowlad-dhiska Galmudug, lana xoojiyo dhaqanka wanaagsan ee isu wareejinta xukunka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye , iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Shabeellaha Dhexe

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda 27-ka JUN

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda 27-ka JUN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qayb galaya munaasabadda 27-ka JUN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In