Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah astaamaha lagu xusuusto halgankii taariikhiga ahaa ee shacabka Soomaaliyeed isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.
Munaasabadda ubax dhigga Taallada Dhagaxtuur ayaa qayb ka ah, dabaaldagyada lagu weynaynayo xuska sannad-guurada 26-ka Juun, oo ah taariikhda maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dalkeenna, gaar ahaan gobolada Waqooyi ee dalka.











