Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu biirtay shan iyo toban (15) heshiis, baratakool iyo lifaaq-sharciyeed caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, taas oo ah tallaabadii ugu ballaarneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu casriyeynaayo hannaanka sharciyeed ee badaha Soomaaliya tan iyo markii uu dalku xorriyaddiisa qaatay.

In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb-barriyeedka ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo marinno istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka, haddana tan iyo 1960ki waxay ku biirtay oo keliya saddex heshiis oo caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha.

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Tallaabadan waxay ka tarjumaysaa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in dal leh badda baaxaddaa leh aanu sii ahaan karin mid aan qeyb ka aheyn nidaamka sharciyeed ee caalamiga ah ee khuseeya badaha. Muddo dheer ayey xaddidnaanta ku biirista heshiisyada muhiimka ah ee caalamiga ahi waxay caqabad ku ahayd in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto nidaamka gaadiidka badda ee caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo kor u qaadidda badqabka iyo amniga badaha. Maantana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaaday tallaabo taariikhi ah oo lagu saxayo xaaladdaas.

Heshiisyada Caalamiga ah ee ay Soomaaliya Ku Biirtay:

I. Badqabka iyo Hagidda Maraakiibta

1.Heshiiska Caalamiga ah ee Baadigoobka iyo Samatabbixinta Badda (SAR), 1979.

2.Heshiiska Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababarka, Shahaado-siinta iyo Ilaalinta Shaqada Badmaaxiinta (STCW), 1978

3.Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Ka Hortagga Isku-Dhacyada Badda, 1972 (COLREG 1972)3. Axdiga Caalamiga ah ee Cabirka Culeyska Maraakiibta, 1969

4.Heshiiska 1965 ee Fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (FAL 1965).

5.Borotokoolkii 1978 ee la xiriira Heshiiska Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha Badda ee 1974 (SOLAS Borotokoolka 1978).

6.Borotokoolkii 1988 ee la xiriira Heshiiska Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha Badda ee 1974 (SOLAS Borotokoolka 1978).II. Ilaalinta Deegaanka Badda iyo Magdhowga Dikhowga.Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga, U-diyaargarowga iyo Ka Jawaabta Wasakhowga Saliideed (OPRC), 1990

8.Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakheynta Shidaalka, 1992.

9.Baratakoolka 1992 ee Wax ka Bedelka Mas’uuliyadda Waxyeellada Wasakhowga Saliideed.

10.Borotokoolkii 1997 ee wax-ka-beddelka Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Wasakhowga Maraakiibta ee 1973, sida uu wax uga beddelay Borotokoolkii 1978 ee la xiriira heshiiskaas (MARPOL PROT 1997).III. Amniga iyo Badqabka Badaha

11.Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Falalka Sharci Darrada ah ee Ka Dhanka ah Badqadbka Socdaalka (SUA 2005)

12.Axdiga Caalamiga ah ee Nairobi ee Ku Saabsan Ka Saarista Burburka Maraakiibta, 2007

13.Baratakoolka Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Falalka Sharci Darrada ah ee Ka Dhanka ah Badqadbka Socdaalka (SUA 2005)

14.Borotokoolka Ku Saabsan Mudnaanta iyo Xasaanadaha Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka Guurguura (International Mobile Satellite Organization – IMSO), iyo wax ka beddelkiisa.

Ku biirista heshiisyadan caalamiga ah waxay qayb ka tahay howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, waxayna si buuxda ula jaanqaadaysaa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).

Previous Post

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In