Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo lagu qabtay Madasha Dubrovnik, taas oo cinwaankeedu ahaa Silsiladaha Sahayda iyo Ganacsiga oo Wajahaya Caqabado iyo Amniga Badaha oo Maraya Heer Xasaasi ah.

Madashaan ayaa waxa ay isku keentay mas’uuliyiin sare oo dowladeed, diblomaasiyiin iyo khubaro caalami ah si ay uga wada hadlaan saameynta isbeddellada juqraafiyeed iyo kuwa siyaasadda (geopolitics) ay ku leeyihiin amniga badaha, ganacsiga caalamiga ah, amniga tamarta, iyo adkeysiga silsiladaha sahayda ee dunida.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Intii ay soctay dooddaan, Wasiir Cabdisalaam wuxa uu sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo amniga badaha, loo ilaaliyo xorriyadda maraakiibtu u leeyihiin marin-biyoodka, loona hubiyo in ganacsiga caalamiga ahi u socdo si aan hakad lahayn.

Wuxuu sidoo kale iftiimiyay Wasiirku goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay kaga taallo marin-biyoodka caalamiga ee muhiimka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago caqabadaha wadajirka ah ee amniga badaha.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashaan wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada badan (multilateral cooperation) iyo ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo horumarka dhaqaale ee waara.

Previous Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Next Post

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Next Post
Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya,...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In