Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Gordan Grlić Radman, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Jamhuuriyadda Croatia, iyadoo kulankaasi uu qabsoomay xilli ay socotay Madasha Dubrovnik Forum, si looga wada hadlo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada Wasiir waxay kala saxiixdeen Is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo ku saabsan Wadatashiyada Siyaasadeed, kaas oo dhigaya hannaan rasmi ah oo lagu joogteynayo wada-hadallada siyaasadeed, laguna xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026

Labada Wasiir waxay si diirran u soo dhaweeyeen horumarka muuqda ee laga gaaray xiriirka labada dal tan iyo kulankoodii ka dhacay magaalada Brussels bishii Nofeembar 2025, oo ay ka mid ahayd aqbalidda Safiirkii ugu horreeyay ee aan degganayn ee Soomaaliya u qaabilsan Croatia. Waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia.

Previous Post

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Next Post

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Next Post
Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa'iil ee Qarannimada Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

August 24, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo...

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In