Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirkii 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta, oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Shirka ayaa si weyn diiradda loogu saaray arrimaha amniga iyo madaxbannaanida dalalka Carabta, waxaana Baarlamaanka Carabta si adag uu u cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Carbeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Qoraal ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in falalkaasi ay ka hor imaanayaan qawaaniinta caalamiga ah iyo mabda’a ixtiraamka madax-bannaanida dalalka.

Baarlamaanka Carabta wuxuu ku baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo dhaawac u geysan karta xasilloonida gobolka, isagoo muujiyay garab istaag buuxa oo uu la leeyahay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Carabta ee ay saameeyeen arrimahaas.

Sidoo kale, shirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Baarlamaannada Carabta, si cod mideysan loogu difaaco danaha iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Previous Post

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Next Post

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Next Post
Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In