Guusha dowlad kasta waxaa ugu dambeyn lagu cabbiraa saameynta ay ku yeelato nolosha shacabka. Waxbarasho tayo leh, adeeg caafimaad, shaqo-abuur, koboc dhaqaale iyo kaabayaal casri ah ayaa ka mid ah waxyaabaha ay bulshadu ka filayso dowlad kasta.
Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad dib-u-dhis iyo horumar, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siinayso dib-u-habeynta hay’adaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballaarinta adeegyada bulshada. Ujeeddadu waa in la xoojiyo awoodda dowladda iyo tayada adeegyada ay shacabka helaan.
Dhanka kale, Shiinaha wuxuu muddo dheer ku dhisnaa mabda’a ah in “shacabku mudnaanta koowaad leeyihiin”, taas oo dowladda dalkaasi ay ku sheegto inay saldhig u tahay dejinta siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed.
Intii lagu guda jiray Barnaamijka Isgaarsiinta Saxaafadda Caalamiga ah ee Shiinaha 2026, oo lagu qabtay magaalada Beijing, Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee Dugsiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha, Professor Xie Chuntao, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee dowladnimadu tahay u adeegidda shacabka.
“Dowladdu waa shacabka, shacabkuna waa dowladda. Haddii aan shacabka loo adeegin, ma jiri doonto sabab ay noo taageeraan.” Professor Xie.
Sida uu sheegay, mabda’ani wuxuu saldhig u noqday hirgelinta siyaasado waaweyn oo ay ka mid yihiin ciribtirka saboolnimada, horumarinta adeegyada bulshada, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dejinta qorshayaal horumarineed oo muddo dheer ah. Qorshe kasta oo dowladda Shiinuhu dejisana waxaa lagu saleeyaa baahiyaha shacabka iyo sidii loo horumarin lahaa tayada noloshooda.
Inkasta oo Soomaaliya iyo Shiinaha ay ku kala duwan yihiin nidaamyada siyaasadeed, dhaqaalaha iyo duruufaha taariikheed, haddana waxaa jira casharro muhiim ah oo laga baran karo waayo-aragnimada Shiinaha. Waxaa ka mid ah muhiimadda qorsheynta fog, joogteynta siyaasadaha horumarinta, xoojinta hay’adaha dowladda iyo in mudnaanta la siiyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada dalalka kale wuxuu gacan ka geysan karaa horumarinta maamulka, kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadidda tayada adeegyada, iyadoo casharradaas loo waafajinayo duruufaha iyo baahiyaha gaarka ah ee Soomaaliya.
Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dadaallada dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, ka faa’iidaysiga waayo-aragnimada caalamiga ahi wuxuu noqon karaa fursad lagu dardargelinayo horumarka, laguna dhisayo dowlad si hufan ugu adeegta shacabka.
Ugu dambeyn, horumarka dhabta ah ee dowlad kasta waxaa lagu qiimeeyaa sida ay u wanaajiso nolosha muwaadiniinteeda, u abuurto fursado dhaqaale oo waara, una dhisto mustaqbal ay bulshada oo dhan ka wada faa’iideysan karto.
— Idman Yahye

















