Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaalaha ah ee wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud, iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay saamaynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin guud ahaan Galmudug, doorka ay ku leeyihiin amni darrada, iyo sida ay u carqaladeeyaan isu socodka iyo isdhexgalka bulshada.

Waxa uu si gaar ah odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ugu baaqay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu joojinayo colaadaha muddada dheer ragaadiyay deegaannada kala duwan ee Galmudug.

Gabagabadii, mas’uuliyiintii, odayaashii dhaqanka iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qaybgalay kulamada ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Hay’adda NISA doorkiisa ku aaddan nabadaynta, xasillinta iyo horumarinta guud ahaan Galmudug.

IMG_2457.jpeg
IMG_2456.jpeg
IMG_2455.jpeg
IMG_2452.jpeg
IMG_2453.jpeg
IMG_2454.jpeg
IMG_2451.jpeg
Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Next Post

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Next Post
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In