Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Bali-hawd ee gobolka Galgaduud, iyagoo watay laba qori oo nooca AK-47 ah.

Howlgalkan ayaa daba socda go’aannadii uu Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaga dhawaaqay gogoshii nabadeed ee ka dhacday degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu adkaynayay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaadata bulshada ama hurisa colaadaha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Labada eedeysane ayaa la horgeynayaa hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa laba jibbaaray howlgallada lagu sugayo amniga, xasilinta deegaannada, ka hortagga hubka sharci-darrada ah iyo falalka hurinaya colaadaha, si loo adkeeyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

Next Post

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta Saldhigga booliska & Garoonka Diyaaradaha

Next Post
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta Saldhigga booliska & Garoonka Diyaaradaha

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta Saldhigga booliska & Garoonka Diyaaradaha

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In