Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka IOM ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada midoobay (IOM) ee Soomaaliya, mudane Manuel Marques Pereira.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo IOM, gaar ahaan doorka warbaahinta iyo warfaafinta istaraatiijiga ah ee ka hortagga tahriibka iyo socdaalka halista ah, wacyigelinta dadka dib ugu soo laabanaya dalkooda, iyo kor u qaadidda doorka warbaahinta iyo dhaqanka ee nabad-dhiska, xasilinta iyo wacyigalinta bulshada.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadato gudbinta xog sax ah, kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo taageeridda dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay in la ballaariyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo IOM ee dhinacyada warbaahunta tababarrada iyo ololayaasha wacyigelinta bulshada ee Tahriibka, Xasilinta iyo gurmadka xaaladaha deg degga ah.

Wakiilka IOM ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay IOM xoojinta iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda, isagoo muujiyay ahmiyadda ay leedahay ka wada shaqeynta barnaamijyada wadajir ah oo la xiriira wacyigelinta bulshada, socdaalka, ka hortagga tahriibka, dhiirragalinta dadka iskood u soo laabanaya iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee nabadda iyo mashaariicda xasillnta.

Labada dhinac ayaa isla qaatay kor u qaadista iskaashiga iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed ee looga hadlay kulankani.

Previous Post

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In