Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maalintii labaad magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka wadday qeybinta deeq gargaar raashin ah, taas oo ay ka faa’iideysteen kumannaan qoys oo danyar ah oo ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada. Gargaarkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha.
Deeqdan gargaarka ah ayaa isugu jirtay cuntooyin daruuri ah oo loogu talagalay in lagu yareeyo duruufaha nololeed ee adag ee ay wajahayaan qoysaska nugul.Hey’adda SoDMA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka waddo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobollada dalka.
Qeybinta gargaarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga ee degmada Beledweyne.


















