Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 months ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho – 13, luulyo, 2026: Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge kaalin ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Sidoo kale, Ciidanka ayaa burburiyay laba goobood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen tababarka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo ay dadka ku marin-habaabin jireen kuna dhiirrigelin jireen falalka argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar raashin ah u qeybisay qoysas dan-yar ah oo ku nool Beledweyne

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gargaar raashin ah u qeybisay qoysas dan-yar ah oo ku nool Beledweyne

Hay’adda SoDMA oo gargaar raashin ah u qeybisay qoysas dan-yar ah oo ku nool Beledweyne

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In