Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid Amiirkii Dowladda Qatar, iyadoo muujinaysa dareen walaaltinimo iyo garab istaag ay la wadaagayso shacabka iyo dowladda Qatar.

Amarkan ayaa lagu fulinayaa awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu faray dhammaan hay’adaha dowladda inay hoos u dhigaan Calanka Qaranka muddooyinka loogu talagalay baroordiiqda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Go’aankan ayaa ka tarjumaya xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay shacabka, dowladda iyo qoyska boqortooyada Qatar geerida Amiirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryeysa marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkiisa, shacabka iyo dowladda Qatarna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Next Post
Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In