Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad kulan miro-dhal ah kula qaadatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka Pakistan, Marwo Noureen Bano Lehri.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta haweenka iyo kor u qaadista xuquuqdooda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka Pakistan ayaa Wasiirka la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda haweenka dalka Pakistan iyo horumarka laga gaaray dhinacyada waxbarashada, awood-siinta dhaqaalaha, ka-qaybgalka hoggaaminta iyo sidii looga gudbay caqabadihii hortaagnaa. Wasiirka ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada Dowladda Pakistan ee lagu horumarinayo doorka haweenka iyo xaqiijinta ka-qaybgalkooda bulshada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta haweenka, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo hababka ugu wanaagsan ee lagu kobcin karo awoodda haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa Pakistan.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen suuragalnimada mataaneynta hay’adaha iyo barnaamijyada taageera haweenka si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa adkaysay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan horumarinta haweenka, ilaalinta xuquuqdooda iyo xoojinta kaalintooda hoggaamineed.

Kulankan ayaa la filayaa inuu gogol xaaro iskaashi waara oo faa’iido u leh haweenka labada dal, isla markaana sii xoojiya xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan.Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Shiikh Nuur Maxamed Xasan.

Previous Post

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

Next Post

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

Next Post
DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In