RADIO MUQDISHO:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba.
Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Raโiisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha, xilli maamulka ku jiro maalmaha dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.
Mudane Xamsa oo garoonka kula hadlay dad tiro badan oo soo dhoweyntiisa isugu soo baxay ayaa yiri โ Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulkaโ.
Qaar ka mid ah wasaaraddaha Dan Qaran ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.
Raโiisui Wasaare Xamse ayaa hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgali doonna kulan dadweyne oo loogu dabaaldegayo Sanad-Guurada Koowaad ee asaaskii maamulka.












