Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Maxkamadda Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xaruntan cusub ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo taageero dhaqaale iyo farsamo ay ka heleen Midowga Yurub.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Galmudug, bahda garsoorka iyo maamulka degmada, kuwaas oo sheegay in xaruntan ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta adeegyada garsoorka, xoojinta cadaaladda iyo u adeegidda bulshada ku nool Xarardheere.

Mas’uuliyiintii iyo wxgaradkii ka hadlay munaasabadda oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Dagmadda Xarardheere Caseyr Ibraahim Mataan ayaa xusay in hirgelinta xaruntan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha garsoorka iyo ballaarinta adeegyada dowladda ee deegaannada Galmudug, iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub taageerada ay ku bixiyeen mashruucan.

Ugu danbeyn Agaasimaha Wasaarada cadaalada iyo garsoorka Galmudug Sharma’arke Madar Cali ayaa ka warbixiyay ahmiyadda xarunta Maxkamadu ay u leedahay Caddaaladda iyo Garsoorka

Furitaanka xaruntan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaaddo hufnaanta iyo helitaanka adeegyada garsoorka ee shacabka Degmada Xarardheere iyo deegaannada ku dhow.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Next Post

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Next Post
Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In