Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan deyn cafin

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 hours ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan deyn cafin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Spain ayaa maanta magaalada Madrid ku kala saxiixday heshiisyo la xiriira deyn cafinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed ee u dhexeeya labada dal.

Heshiisyadan ayaa ujeeddadoodu tahay in deyn cafinta loo beddelo maalgelin lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo mudnaan u leh Soomaaliya, si kor loogu qaado koboca dhaqaalaha, loo horumariyo adeegyada bulshada, loona taageero hirgelinta yoolalka horumar waara.

Related posts

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

July 13, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Saleiman Sheekh Cumar, oo Dowladda Soomaaliya ku matalayay munaasabadda saxiixa heshiisyada, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Spain iyo dhammaan hay’adaha bah-wadaagta ah ee gacan ka geystay hirgelinta heshiisyadan muhiimka ah.

Waxa uu xusay in heshiisyadani ay ka tarjumayaan xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain, isla markaana ay door weyn ka qaadan doonaan taageeridda qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo kor u qaadidda adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

Previous Post

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga JSP oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee degmada Galinsoor

Next Post

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Next Post
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Somali Special Forces Eliminate Seven Al-Shabaab Fighters in Midnight Operation

July 13, 2026
0

The specially trained Danab Commandos of the Somali National Armed Forces conducted a planned operation shortly after midnight in Sablaale...

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Khudbad ka Jeedisay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee ka socda...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan deyn cafin

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan deyn cafin

July 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Spain ayaa maanta magaalada Madrid ku kala saxiixday heshiisyo la xiriira deyn cafinta iyo horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In