Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin ka tirsan doblomaasyadda Safaaradda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026
Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

July 14, 2026

Kulan dhexmaray Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay horumarinta warbaahinta dowladda, xoojinta dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada caalamka sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, muujinta guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo fursadaha maalgashi iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Wasaaradda iyo Safaaradda ee baahinta xogta saxda ah, kobcinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta dalxiiska Soomaaliya.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah iyo adeegyada ay Safaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Wasiirka ayaa si gaar ah u bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Safaaradda, isagoo ku ammaanay dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ilaalinta danaha Qaranka iyo sida ay door muuqda uga qaadanayaan kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya iyo gaarsiinta bulshada caalamka xaqiiqada ku saabsan horumarka dalka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid xarunta Safaaradda, isagoo xaqiijiyay in Safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada ay u baahanyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, kor u qaadista sumcadda dalka iyo taageeridda qorshayaasha dowladda ee lagu gaarsiinayo dunida horumarka iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.

Previous Post

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Next Post

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Next Post
Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026
0

Hey’adda SoDMA ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, ka daahfurtay wajiga koowaad deeq gargaar raashin ah oo lagu...

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

July 14, 2026
0

Shirkani oo uu shir Guddoominayay Ku-xigeenka Duqa magaalada ee Maamulka iyo Maaliyadda ahna Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka...

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

July 14, 2026
0

Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo burburin ah ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax, iyo...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

July 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In