Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin ka tirsan doblomaasyadda Safaaradda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulan dhexmaray Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay horumarinta warbaahinta dowladda, xoojinta dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada caalamka sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, muujinta guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo fursadaha maalgashi iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Wasaaradda iyo Safaaradda ee baahinta xogta saxda ah, kobcinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta dalxiiska Soomaaliya.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah iyo adeegyada ay Safaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Wasiirka ayaa si gaar ah u bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Safaaradda, isagoo ku ammaanay dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ilaalinta danaha Qaranka iyo sida ay door muuqda uga qaadanayaan kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya iyo gaarsiinta bulshada caalamka xaqiiqada ku saabsan horumarka dalka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid xarunta Safaaradda, isagoo xaqiijiyay in Safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada ay u baahanyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, kor u qaadista sumcadda dalka iyo taageeridda qorshayaasha dowladda ee lagu gaarsiinayo dunida horumarka iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.

 

Previous Post

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Next Post

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Next Post
Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In