Lataliyaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Mudane Ismaaciil Ibraahim Aadan, oo ay wehliyaan Xildhibaan Mahad Cawad, Marwo Caaisha Maxamuud (u qeybsanaha Arrimaha Waxbarashada ee Safaaradda), iyo Sheekh Maxamed Idris, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay qalin-jabinta in ka badan 300 oo arday Soomaaliyeed oo ka aflaxay Jaamacadaha Ankara sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Mas’uuliyiintu waxay hambalyo u direen ardayda qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyay inay aqoontooda iyo xirfaddooda uga faa’iideeyaan horumarka Soomaaliya. Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen dowladda Turkiga iyo Jaamacadaha dalkaas taageerada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.












