Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta khudbadda ka jeediyay furitaanka maalintii labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026), taas oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho hal ku-dhiggeeduna ahaa Soomaaliya iyo Marxaladeeda Xasaasiga ah, Xoojinta Xasilloonida, Midnimada iyo Horumarka.

Madashaan oo ay soo qabanqaabiyeen Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage iyo Jaamacadda City , ayaa isugu keentay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, bah wadaagta horumarinta iyo khubaro si ay uga wada hadlaan mudnaanta horumarineed ee qaranka Soomaaliya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xeran yahay hay’addaha dowladeed oo sii xoogeysta, hoggaamin qaran, adkaysiga shacabka iyo iskaashi miro dhal ah oo lala yeesho beesha caalamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nabadda, adkaynta midnimada qaranka, ilaalinta madaxbannaanida, horumarka iyo dhiirrigelinta wadahadal loo dhan yahay.

Wasiirku waxa uu u muujiyay kalsooni buuxda in doodaha iyo falanqaynta ka soo baxa Madashu ay soo saari doonaan talooyin wax ku ool ah oo ku saleysan caddayn iyo cilmi baaris, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhismaha Qaran Soomaaliyeed oo xasilloon, barwaaqo ah, horumarsan, isla markaana adkaysi leh.

Previous Post

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Next Post

Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

Next Post
Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In